Valplattform Fagersta – Somaliska
Xisbiga Bidixda figrada Dhaqaale xasiloon. Daryeel bulsheed xoog leh.
Fagersta joogto ah oo loogu talagalay dhammaan.
Hordhac – masuuliyad iyo qiyam
Figrada waxey u baahantahay siyaasad adag – dhaqaale ahaan iyo mujtamac ahaan
labadaba.
Annaga Xisbiga Bidixda, masuuliyadda, cadaaladda iyo Dhaqaalaha xasiloon
ayaa aasaaska u ah daryeelka bulsheed xoogan leh.
Masuuliyadeena dhaqaalaha waxay ka dhigan tahay isticmaalka kheyraadkeena si wadajir ah halka uu ugu faa’iido yahay.
Waxaan rabnaa in miisaaniyadda degmadu looga faa’iideysto baahiyaha dhabta ah –
Sida dugsiyada, daryeelka bulshada, iyo shaqada farsamadq sare leh. Ma aha in waxqabadku sannad walba ay khasaare iyo hoos u dhac keenaan tayada ay burburiyaan.
Waxaan u mudnaanta siinaa:
- Daryeel amaan ah oo ka muhiimsan xisaabaadka
- Deegaanka shaqada shaqaalaha oo ka muhiimsan samatabix wiqti gaaban
- Daryeelka carruurta iyo waayeelka oo ka muhiimsan yoolalka dakhliga aa macquulka ahayn
- Natiijo miro dhl ah Mustaqbalka dheer oo ka muhiimsan riyooyin aan dhici Karin
- Isla markaana waxaan ku xooga saarnaa qiyamkeenna: sida qiima siman oo dadka oo dhan ah.
- Figrada midaysan ee Isbeddelka cagaaran oo xooq u leh si maxalli ah.
- Aasaas dhaqaale oo dhab ah, joogtana ah ayaa noo suuri-galin kara in aan dhisno degmada aan ku noolaan rabno.
- Waxbarasho tayo xooggan iyo daryeel carruureed oo dhab ah
- Wax barashadu waa maalgashigeena mustaqbalka ee ugu muhiimsan.
Waxaan dooneeynaa:
- Yaraynta tirada carruurta ku tiirsan kooxaha xannaanada carruurta
- Xoojinta caafimaadka ardayda
- Dammaanad qaadka in ardayda dhamaan ay helaan taageerada ay u baahan yihiin
- Waxbarashada carruurtu waa inay noqotaa mid xasiloon amanina ah – aysan noqon mid khasaare iyo welwel leh.
- Daryeelka waayeelada oo amaan ah tayo sarena leh, daryeelka ku saleeysnaado baahiyaha – ma noqonkaro cadaadiska miisaaniyadda.
Waxaan rabnaa in aan hir gelino:
- Wakhti daryeel oo kufilan loona siman yahay ah
- Hagaajinta shuruudaha shaqada
- shaqaaluhu Marka ay leeyihiin tayo iyo shuruudo macquul ah, daryeelku wuu fiicnaadaa.
♿ LSS iyo adeegyada taageerada
LSS waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka bulsheed ee Figrada.
Waxaan rabnaa in aan fulino:
- Dammaanadda Tayada leh, joogtana ah
- Siinta shaqaalaha fursado wanaagsan
- Baahida ha xukunto kheyraadka
- Dhowridda xaqa madaxbannaanida iyo ka qaybgalka
Ammaanka nolosha shaqada
- Shaqadu waa aasaaska ammaanka iyo xornimada dadka.
- Degmuhu waa inay tusaale ahaataa –shaqeystaha iyo taakulaytiisa si loo helo
shaqo badan.
Waxaan rabnaa in ay suurtogal noqoto figrada ah in la shaqeeyso aydoon la daalin, lagana hor tago la’aanta jadwal shaqo oo amaan ah iyo shaqooyin aan xasiloonayn.
Sidaas darteed waxaan u shaqaynaynaa:
- Deegaan shaqo oo wanaagsan oo culeys macquul ah leh
- Wadooyinka badan oo shaqada oo dhalinyarada loo helo
- Waxaan rabnaa in degmuhu ahaato shaqo-gale amaan ah
- Marka shaqaalaha dugsiga, daryeelka iyo xannaanada ay leeyihiin shuruudo wanaagsan, tayadu way fiicnaataa dadka oo dhan.
Shaqo la’aanta ma aha fashilka shakhsi ahaaneed – ee waa su’aal siyaasadeed. Degmadu si
firfircoon ayeey u shaqayn doontaa si dadka badan ay ugu helaan fursad shaqo iyo waxbarasho.
- Dabeecadda, kaynta iyo nasashada – xoogga Figrada
Figradu waa degmo dabiici ah, Kaynteena iyo durduradeeduna waa kheyraad caafimaad oo leh cimilo wanaagsan oo soo jiidashoba leh.
Beeraha iyo kayn mas’uuliyad leh ee dhulka degmada Waxaan rabnaa:
- Kordhinta tayada beeraha kaynta ee dabiicada dhow ee aan goynta ballaaran lahayn
- Ilaalinta qaybaha kaynta dadaweynaha si loo helo kayn nasasho leh
- Xoojinta deegaan leh kala-duwanaansho noolaha
- kayntu waxeey hawada ka nuuqeeysaa CO2 badan
- isKu dhafida hadafka cimilada iyo maaraynta dhulka degmada
- Kaynta degmada waa inay ahaataa masuuliyad xiliga fog – ma aha dakhli xilliga dhow.
Horumarinta nasashada
Waxaan rabnaa in aan hir gelino:
- Dhowridda iyo horumarinta degaanka ku xeeran magaalada
- Horumarinta jidadka, maareenka jimicsiga iyo meelaha afkaar is weydaarisiga
- Deegaankeena in aan ka dhigno dabiicadda dhammaanba mid la heli karo
- Xoojinta iyo hagaajinta deegaan waxbarashadeedka dugsiyada
isKaashiga hayadaha bulshada
Siyaasadda deegaanka sidoo kale waa siyaasadda caafimaadka dadweynaha.
Dhaqanku wuxuu Figrad xoogan siinayaa
- Dhaqanku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha bulshada, sida Maktabadaha, muusiga, farshaxanka, ururada bulshada ayaa abuura goobaha kulanka halkaas oo dadku ay ku kulmaan, aragtidoodu ku horumarto oo ay dareemaan wada-jir.
- Carruurta iyo dhalinyarada, dhaqanku si gaar ah muhiim ayuu ugu yahay. Iskuulka dhaqanka, maktabadaha iyo fursadda aad si madaxbannaan u abuurtid waxay bixiyaan farxad iyo rajada mustaqbalka labadaba.
- Nolosha dhaqanka oo hoddan ah ayaa sidoo kale ka dhigaysa degmo ku-ficnaan ku noolaansho.
- Waxey xoojisaa xiriirka bulshada iyo dimuqraadiyadda labadaba.
Sidaas darteed waxaan rabnaa in aan sii wadano horumarinta hawlgalka dhaqanka si aan u dhigno figrada mid baaxad leh oo la heli karo.
Dhaqanku ma aha raaxo – waa maalgashin bulshad midaysan oo joogto ah.
Figrada oo midaysan
figradu waa gurigeena wadajirka ah.
Ma ogolaan karno in dadka la isaga hor keeno ama looga dhigo kuwo dambiilayaal ah oo
dhibaateeya bulshada.
Waxaan u taagannaa:
- Qiimaha siman ee dadka oo dhan
- Wanaagga ilmaha go’aaan kasta
- Dugsi amaan ah oo loogu talagalay ardayda kasta
- Gaboobid amaan ah
- Shaqo firfircoon oo aan laheeyn takoor
- Dhaqan iyo nolol ururro xooggan
Marka dadka badan ay ka qaybgalaan dimuqraadiyadda, go’annadu waxay noqdaan kuwo
wanaagsan oo caddaaladda ah. figradu waxay xoog yeelaneysaa marka aan midaysan nahay.
Gabagabo
Waxaan hore u bedelay dhaqaalaha degmada. Waxaan mar kale samayn karnaa.
Aasaas dhaqaale xasiloon, daryeel bulsheed xooggan iyo mas’uuliyad deegaan cimilo fiican leh, waxaan dhisi karnaa figrado amaan, caddaalad ah oo joogto ah.
Waa suurtogal in la doonto jid kale. Waan diyaar u nahay mas’uuliyadda.
Xisbiga Bidixda figradiisa Dhaqaale xasiloon. Daryeel bulsheed xoog leh. Figrad joogto ah oo loogu talagalay dadka dhammaan.